Title: PHP programming bilow ilaa dhamaad [Part 1] - PHP introduction in Somali language

preview_player
Показать описание
This video is about learning basic principles of PHP programming in Somali language.


For more Somali translated technology tutorials visit:

Waxa aynu ku baran doono casharadan soo socda waa

Asaaska salka ee PHP Programming, Sida loo install gareeyo PHP7, Apache and MySql
Fahamka PHP variable, loops, conditional iyo functions. Waxaan kaloo baraneynaa
Sida loo process gareeyo foomamka bogaga internetka adigoo istcmaalaya “contact page”.
Sidoo kale waxaan barayneynaa side loo abuuro loona isticmaalo Databaseka
Waxa aynu ku baran doono casharadan abuurista mashruucyo sida loo process gareeyo contact forms iyo abuurista process gareynta user login system.

Waa maxay PHP ?

PHP: waxay u taagan tahay “Hypertext Preprocessor”, markii ugu horeysay ee uu soo baxay ereyga PHP wuxuu u taagnaa Personal Home Page, laakiin hada waxaa la isku racay in loo soo gaabiyo ereyge PHP. PHP waa “server-side scripting language”oo ah waa teknoolojiyo loo adeegsado daabicista bogaga internetka taasoo khaas u ah qof kasta oo bogaga internetka meel kasta kasoo gala isaggo isticmaalya “Browserka” sida google chrome, Internet explorer iyo Firefox iyo Safari.

PHP waa soo saaray nin injineer magaciisa la yiraahdo Rasmus Lerdord sanadkii 1994. Waa luqad programming oo la dhex gelin karo (embeding) boggaga HTML iyadoo la isticmaalayo ereyga (syntax) hoos ku qoran. Faylasha PHP waxaa lagu keydiyaa ama lagu save gareeyaa extentinka loo yaqaan “.php”.

Waa maxay FAAIDADA ay leedahah barashada PHP program?

* PHP way sahlan tahay si loo barto
* PHP waa teknooloji lacag la’aan ah oo u furan qof kasta inuu balaariyo ama wax ku daro
* Wuxuu leeyahay caawinaad fara badan oo dad badan ayaa kaa caawin kara
* PHP waa teknoolojiyo lagu isticmaali karo platformyada windows,linux and ubuntu
* PHP programming waxay ku siineysaa xornimo aad ku balaarin kartid hadii loo bahdo in wax lagu kordhiyo
* PHP waa teknooloji leh frameworkyo kala duwan sida laravel,Symphony and Codeigniter
* PHP waxaa loo isticmaali karaa databaseyo kala duwan sida Mysql, Postgresql

Maxaan ku sameyn karnaa ISTICMAALKA PHP ?

Isticmalka PHP wuxuu inoo suurto galinayaa
* Abuurista websatyo dynamic ah ama si casri ah.
* Inaan macluumaad kala soo baxno faylasha ku jira serverada
* Inaan process gareyno formamka ay isticmaalyaasha noogu soo diraan bogaga internetka(web forms)
* Inaan macluumaad ku darno, kalasoo baxno ama aan tirtirno macluumaad ku keydsan Databaseyada
* Inaan abuurno bogag dad khaas ah ay gali karaan (user login)
* Inaan abuurno system badbaadinaya faylasha ama macluumaad dad khaas loogu tala galay inay galaan

Maxaan u isticmaali karnaa inaan ku DHISNO PHP ?

Isticmalka PHP waxaan ku dhisi karnaa
* websityo sahlan oo asaasi ah (Basic websites)
* Bogaga internetka ee loo yaqaan “Blogs” )
* Bogaga wax lagu kala iibsado ee loo yaqaan leh “Shopping websites.”
* Bogaga ay dadki xiriir iyo wadahadal ku sameeyn karaan (social media network)
* Nidaamka maareeynta mawdhuucyada (CMS)
* Bogoga internetka ee xubin laga noqon karo
API system kaasoo ku xirmaya websityo kale ama social miidiyaha si macluumaad looga soo qaato aad u isticmaashid bogaga websiteka
Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

Mnshaa allah
Waxbadanban kaa faaidnay wllo
Alle cilmiga haku barakeyo

abdikaremahmed
welcome to shbcf.ru