Rooda kayf | Heesta Yufle

preview_player
Показать описание
Erayad Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka Jiim Sheekh Muumin
waxa hore u qaaday Kinsi Xaaji Aadan Xuseen
Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

1- yool= ujeeddo
2-yagleel=aasaaska xero cusub
3-a) yufle= tuulo ceerigaabo udhow
b) yufle=deeg magacis waana ka loogu macag daray
tuulada
4- yalaxle=qaab dabayshu udhaco weliba laydh qabow

6-yale tuke ah=yel/yal waa eray lagu dhoho tukaha si loo eryo, waa sida bisadda bis loo dhoho
7- yubbe= waa geed magacii waana kan loogu magac daray degmada yubbe ee igana ceerigaabo udhow
8-yiblado/yablado= waa marka dhulki aanuu lahayn
caws ee inta abaari dhacdo carshintu idlaato, iyadoo xaladda lagu jiro marka roobku do'o 0o ay xooluhu
xareedda ka hirqadaan calooshuna ay madhan tahay, baa ladhahaa yiblasho, macnaha caws ay caloosha ku adkeeyaan bay ubaahan yihiin
9- yahoomid= socod dheer oo tilgaal ah
10- yaloon= waa ceel hoos ugodhan oo dhuuban haddii aroorku ku batona waa biyo yareeyaa oo waa la maaxiya (kohasho in cabbaar ah)
11-yuugaabo=uugaabo/uugaamo xooluhu marka ay
ceelka vimaadaan ee av aad u ooman vihiin

yahyeadandubad
Автор

Lyrics :

Sida yool hayaan
Yam yidhoo abaar
Looga dhigay yagleel

Yuflaha qabow
Dhaxan yalaxle baan
Ku yaboohiyaa

Sida yale tukaan
Hadba kayn yube ah
Yuuq yuuq sadaa

Waan yaabbanee
Siduu iigu yimi
Yax ma iri jacayl
Yarow aragtidaa

Sida geel yukumay
Yibladoo harraad
La yahoomayoo
Ceelkuna yaloon
Yahay biyo yarood
Yuugaabsadee

Yey iyo yaxaas
Wada yeedhayaan
Ka dhex yuubanoo
Cirkoo yagal ka kacay
Daruur yugantay baan
Debed yuururaa

Erayada abwaan aadan tarabi jaamac
Laxanka kabanka jiim sheikh Aun 😢
Luuqda mamo kissing xaaji aaadan Aun 😢


Fanku waa farxad 🎵🙏

shaaniqadarshaani
Автор

1. Yool =qorshe
2. Yam =aamusay
3. Yagleel= aasaas xero cusub
4. Yufle =deegan magiciis
5. Yalaxle= laydh qaboow
6. Yaboohid = daydayid ama raadin
7. Yale tuke= koox tuke ah
8. Yuke = geed magacii
9. Yuuqyuuqsi= ka eegeegid

NabaadXasan
Автор

Lyrics
Sidaan yool hayaan Yam yidhoo Abaar Looga dhigay yagleel Yufloo qaboow Dhaxan yalaxle Baan ka yaboohiyaa Sida Yalas tuka ah Hadba kaynYube ah Yuuq yuuq sadaah Waan yaabanee Siduu iigu yimi Yax ma idhi Jacayl Yarrow Aragtidaa Sida geel Yukumay Yubladoo harraad La yohoomayooh Ceelkuna Yaloon Yahay biya Yarood YUUGAABSADEE
Sida Yalas tuka ah Hadba kayn cidla ah Yuuq ~Yuuqsadaah Waan Yaabbaneeh Siduu iigu Yimi Yax ma idhi Jacayl Yarrow Arragtidaa YEY~ IYO YAXAAS Wada yeedhayaan Ka dhex~Yuubanoo Cirkoo yagal ku kacay Darruur Yugantay baan Dibadd Yuuru~raah Sida YALAS tuka ah Hadba kayn Yubbe ah Yuuq ~ Yuuqsadaah Waan Yaabbanee Siduu iigu Yimi Yax ma idhi Jacayl Yarrow Arragtidaah




Hees xusid mudan mid ka mid ah Xulka iyo Foolaadka heesaha HirgLy.

FAALO KOOBAN Degmada YUFLE.

Yufle Magaalo fac wayn oo tariikhi ah Kuna caan ah Nabada iyo wada noolanshaha bulshada.

Hilaadi Sanadki 1947 Wakhti ku siman ayu aha dhidibka ama yagleelka magaladan.

Waa magaalo dhidibkeeda lagu taagay Ganacsi iyo Xadarad Fac wayn Kuna tiirsan ilaha dakhli ee Xoolaha nool iyo Beeyada oo aay ahayd bogcad lagu kala iibsado ama lagu kaydiyo intaasi waa taariikhda

oo aan soo koobay hadaba magaalada Yufle maxay caan ku tahay ugana duwan Tahay magaalooyinka kale ee dhigeeda ah?.


Bogcad ahaan ama direction ahaan Xagay ku taalaa maxay caan ku tahay?.

Waa Su'aalaha ay faaladeenani khusayso Qoraalka commentigoo iska yar awgiih. waan soo koobayaa intaan xog ka hayo.

Direction ahaan degmada Yufle waa Degmada ama bogcada ugu xigtah Magaalada madaxda gobolka sanaag Ee Ceergaabo Jiho ahaan waxay kaga.. Beegan tahay galbeedka Hadaan si kale u sheego waa bogcada ugu dhow ee cadka iyo caanaa looga keeno magaalada ceergaabo waana tuulada mataanaysa dadyowga ku kala dhaqan isla gobolka sanaag gaar ahaan degmada Ceergaabo

Hadaba Yufle maxay caan ku Tahay? YUFLE ama degmada Yufle waa magaalada Ugu qabow guud ahaan magaalooyinka Ama degmooyinka DALKA Somalia!.

Heer qabowga ama Weather keedu Mar mar wuxuu gaadhaa heerarka ugu Sareeya 38C ilaa 39~ 40C meelahaas hadaanu kaba badnayn.

Waa magaalo jawigeedu aad u degan Yahay waa magaalo bilic ahaan aad u qurux badn Waa magaalo bed ahaan ku jirta Buuro Dhexdood horumarka iyo dedaaladah. Dhismaheedu hayska yaraadeeh hadana Waa magaalo Leh bilic aad U saraysah!.😮

munyojr
Автор

The icon vocalist Rooda Kafa soothes the songs .CONGRATS from Saryan MUSEUM Hargeisa

saeedhussein
Автор

YUFLE iyo Abwaan Aadan Tarabbi Allow cimri dheer, caafimaad, cibaado iyo Janno cuddoonna sii maalinta dambe 🤲🏽🙏🏼

mohafarcaano
Автор

Ilaahaybaan idinku dhaarshee codkaas inay kinsi tahay iyo inkale malakala garanayaa 😮 Rooda keyf waa one of the most talented Singers that l have ever seen ❤

Wearesomali
Автор

Fankii wali wuu nool yhy rooda kayf calayk calayk❤❤

guuledjerar
Автор

Roodo waa mucjiso kasoo daahday fanka alla mxaa fan ku duugan.❤❤

Gacal-sg
Автор

Yufle waa meel qabow aadan tarabi baa heesta waa taariikh isaga gaar ugu dhacday waa hees qisada wadata ❤❤❤❤

zucadfarah
Автор

Afsoomaligii waa sii dabar go'ayaa waayo heesta erayada kujira lamawada fahmayo waa afkii suugaanta ee hore ❤

saciid
Автор

Iftiinka fanka qarnigan iyo kuwa soo socda Roda ❤

najiibmaax
Автор

Golden Voice Rooda kayf heesta kinsi halkeeedi ayaad dhigty

lilabdaaz
Автор

Cajiib😢❤Ashqadhaadh awgii waan yar jidhidhicooday! ALLAAHU AKBAR😊❤️🙏🏾

mohafarcaano
Автор

Heestan alla ha u naxariistee kinsi xaaji adan ayaa qaadi jirtay meesheedii ayay dhigtay maanshaa Allah 🥰🥰

AbdurahmanUsman-tuxr
Автор

Yufle Goobtii aan ku dhashay weeye
i will never forget you ❤️😍❤︎

Gadhay
Автор

WllHi Laysma Xaqiree:
Gabdhan Heeska Way Qaaday:
walipa Sidii Loogu Tala Galay Ayey U Qaaday:
Aniga Dhankayga Waa 💯/💯:✅:
Waxaan Ka Helay Qaabka Ay U Dhahayso:
Yax Ma Idhi Jacayl Yaroow Aragtidaa Say U Dhahdaa Aad Isoo Jiidatay Turukada: Alla Yacizak:❤😍🎼

maanbilaahmednourjaangoow
Автор

Indertay Rood Rashida Elsar Allah yaciska ❤🎉 waa magaladan ku dhashay Yufle

ahmedmohamoud
Автор

Beautiful voice : absolutely killed it, perfectly executed.

With love from Magaalo Cad

abdikamil
Автор

YUFLE magaladaydii 💋❤️💎
Meel somali dagto halka ugu qabow weeye
Yufle ❤🎉

bilyandhaan