Wardheer || Kaban Daggan || Xasan Aadan Samatar || HD +Lyrics

preview_player
Показать описание
HEESTA: WARDHEER
EREYEDA: ABWAAN MAXAME IBRAAHIM WARSAME (HADRAAWI)
LAXANKA: CABDIKARIIN FAARAX QAARREEY (JIIR)
KABANKA: DAA'UUD CALI MASXAF
CODKA: XASAN AADAN SAMATAR

__________________________________________________________
EDITED, LYRICS & PRODUCED BY: QARAAM CHANNEL
__________________________________________________________

"Heestani waxay ka socotaa maqaaxi ku ag taalley Fooqa dabka ee xamar oo la odhan jirey Wardheer - maqaaxidaas oo saarnayd Waddada Maka Al-mukarama - Degmada Hodan"
- @Abdi Gacayte

- Qisada heesta waxa aad ka akhrisan kartaa Commentiga ugu horreeya.

____________________________________________________________

1. Qaaci xul ah:

2. Heeso Qiso Xiiso Leh Laga Allifay:

____________________________________________________________

Ku soo dhowoow QARAAM CHANNEL – LYRICS, Fadlan haddii aad ka heshay muuqaalka aan soo gudbiyay:
• LIKE saar si uu daawadayaal kale u gaadho.
• SUBSCRIBE (Nagu soo biir)
• COMMENT
• SHARE (La wadaag asxaabtaada)

Wixii warbixin, talo, fikir, dhaliil iyo music aad ila wadaagaysoba waxaad iigu soo gudbin kartaa Emailkan;
_______________________________________________________________

Warbixin kooban oo ku saabsan channelka:

Channelkan waxa aan kusoo gudbiyaa qaybo xul ah oo ka mid ah suugaantii dahabiga ahayd ee hore (Qaraami) iyo kuwii dhexeba, laga soo bilaabo badhtamihii 1950-meeyadii illaa dhammaadkii 1990-kii (wakhtigii iyo waayihii u wacnaa taariikhdeenna iyo guud ahaanba dhaqankeenna).

Waxa xaqiiqo ah oon filayo in aad markhaati ka tahay adiguba in video kasta en soo geliyo channelka aan isku dayo in aan helo wixii markaas warbixin ah ee ku saabsan heesta, anigoo la xiriira macallimiintii ka qayb qaatay heestaas haddii ay tahay abwaanada ama fannaaniintaba intooda nool ee aan ka gaari karo, si aan uga ogaano dadka ka qayb qaatay heesta haddii ay noqoto samaynta;
• Ereyada
• Laxanka
• Muusigga
• Sannadkii la qabtay
• Iyo riwaayaddii ay markaas qaybta ka ahaydba. IWM.

Sidoo kale qaybta ugu muhiimsan ee ah suugaanta qoraalkeeda oo aan isku dayo in aan usoo gudbiyo sida ugu saxsan ee abwaanku u qoray, taas oo aad runtii mooddo in ay tahay qaybta ugu adag marka ay noqoto soo bandhigista heesihii hore oo qaab qoraal (lyrics) ah lagu soo bandhigo.

Runtii ma aysan suuro-gasheen qodobada aan kor ku xusay oo dhan, abwaanada, laxamiistayaasha, fannaaniinta iyo waayo-aragga aan markaas ka raadiyo warbixintaas la’aantood, mahad gaar ahna waan uga gudbinayaa halkaan anigoon kala reebayn dhammaantood sida hufan ee sharafta leh ee ay iigu hagar-baxaan markasta oon la xiriiro.

In aan diiwaan gelinno suugaanta, dadkii ka qayb qaatay iyo weliba ereyadii hal-abuurka oo saxan waxa ay horseedaysaa in jiilka dambe aysan ku dhibtoon raadiska warbixinta halyeeyadii soo qurxiyay fankeennii hore, Eebbe naxariistii janno haka waraabiyo intooda dhimatay inta noolna cimri iyo caafimaad suubban (Aamiin).

Haddii aad barnaamijkaan igu raacsan tahay waxaan mar kale iga codsi ah in aad ku xirnaatid channelka adigoo subscribe saaraya sidoo kale la wadaagaya asxaabta kale, kana qaybqaadanaya adigoo markaas nagala soo xiriiri kara Emailka aan kor xusay.

Mahadsanid.

__________________________________________________________________

Hello and welcome.

If it’s your first time please consider subscribing to the channel

In this channel I upload some of the classic old school Somali music (Qaraami) from mid 1950s up to late 1990s (the best thing that happened in our culture and history).

In fact, every video I upload, I do as much research as I can get on every single information that is out there and consult with those who had participated in making such an incredible music whether it’s the musicians themselves or poets, to get most accurate information of that certain music including creators of the;
• Lyrics,
• Music.
• Melody,
• Year recorded as well. etc

And also presenting the correct lyrics (since the lyrics are bit complicated to understand), in order the young generation don't suffer of getting the history of our legends to honor and remember their legacy (I pray for both, those who are dead and the living legends that may Allah grant them his highest level of Jannah).

I am glad to have you here, thanks for checking by, please support us to record our history and keep our musician's legacy by making sure to subscribe, hit the like button, comment and also share with those who are interested as well.

Thanks.
Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

👉🏽1:52 Looyaan: Nasiino la’aan, Xasillooni la’aan, wareer.
👉🏽2:38 Hoodaan/Haadaan: Bohol, dhul jeexan oo hoos u dheer.
👉🏽3:32 Wardheer: Maqaaxi ku agtaallay fooqa Dabka ee saaran waddada Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
👉🏽5:06 Hoosiis: Hooska ay daruuruhu bixiyaan
👉🏽5:42 Hayin: Rati la rarto oo aan buubaal ahayn
👉🏽5:44: Hoorri: Halkan waxay ugu jirtaa Doqon ama Nacas. Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa magac ahaan qofka aadka u madow.



Waxa uu abwaanku sawir innagu tusayaa nin dhalinyaro ah oo waayaha jacayl la daalaa-dhacaya oo siduu u agfadhiyo waagu ugu baryi jiray Maqaaayad Wardheer la odhan jiray horteeda oo ku taalla Xamar aagga Fooqa Dabka ee saaran waddada Maka-Almukarrama oo xilliyadaas aad looga dhagaysan jiray heesaha qaraamiga ah inankaasina weheshan jiray dhegaysigooda naftana ku habi jiray, abwaanka oo markaas meel ku dhow degnaa wiilkana ku dhaafi jiray markasta sidoo kale waraystay wiilkaas waxa ku kellifay inuu halkaas fadhiisto markasta baa sawir ka bixinaya xaalkii uu markaasi ku sugnaa.

…Heesaha Wardheer baan,
Ku habaa naftaydoo,
Indhowayd horteedaa,
Dadku igaga hoydaa.

qaraamchannel
Автор

Ma aqani abwaan aan ku tiilmomo hadraawi oo kale so mari dona tariikhda somalida alle hawnaxariso inaaga haynoga daba naxariso alle amiin yaa allaa

ayaanleaxmed
Автор

Maxamed Ibraahim Warsame Siciid Hadraawi- Philosopher, cabqari mar la arag ahaa Allah ha ku naxarisito Adeero

hamz
Автор

Waa maskaxdii cabqarigii Somaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame

jamabiixibiixi
Автор

Mashallah caawa iyo jawi macaan aniga iyo marwadayda ayaa ku dhagaysanayna hargaysa 16/01/2024

CabdirisaaqDhuux-hg
Автор

Dugsi lama huraan oo kuu hagar la' weeyoo waa hooy Jaceyloo lagu soo hirtaaye😍
What a song ❤
Waxaa isugu tagay afar legend 😍
Ninka curiyay miraha Au Hadraawi kan sameeyay laxanka Au Cabdikariin Jiir, midka Tumayo kabanka Au Daud C.Musxaf iyo midka codkiisa nagu soo gaarsiiyay Samatar 🙏😍👌💯

sharmaarkecalicabdi
Автор

Alle haw naxariisto aqoonyahankii xeeldheerihii fan iyo suugaan abwaankii hal abuurkii boqorkii fanka iyo suugaanta aduunka Hadraawi 🥹

haybegeesofficial
Автор

Xasan Aadan Samatar Legend Wayn Alle Cimriga Hakuu Barakeeyo
6/january/2021

apdikareemkaiseofficial
Автор

Waa mid kamida heesaha hawaaale warankaa ee hadraawi
Anna saacadaha danbe marka cagtu go do waxay iigu socotaa si aanan cabiri karin
Codka lab ee ina samatarna waaba dhiig joojin❤❤❤

CamarasadAsadyare
Автор

Poetic Country. Words Can Take to a Thousand Visions. Viva Somali.

karimhasan-fupf
Автор

Hoogtooy Aduunyooy, 😓
Hoosiiska Meeraay, 😫
Hadhka labada galinee, 😣
Mugdi lagu halaabay, 😩
Balay lagu hungoobay😢
Hayin Laguma guuraay 😣
Garta hoorisiiyaay 😟
Ninka Raga ka hiishaay 💔
17 February 2024
Marka kaliya een Fan waxu Yahay xasuusto & Suugaan dhaxal gal ah in fanaaniinteenii hore & abwaaniintii ay ka tageen Erada & Laxanka AUN Hadraawi, Codkii Hobolkii Weyna Xasan Aadan Samatar Allow Cimriga kuu barake Aamin, Xasan Baashe Axyaa Fanaan 💔❤️🫶🙏

goldenboyisalwaysgoldenboy
Автор

Ma ogtahay habeenki hurdo ima kaxeeyso
Hadal uma dhag tagoo
Heesaha wardheerbaan ku habaa nafteeydo ❤❤❤❤

ifk
Автор

Heestani waxay kasocotaa maqaaxi ku ag taaley Fooqa dabka ee xamar oo la odhan jirey Wardheer Waa Erayadii Hadraawi Laxankii Jiir

abdigacayte
Автор

Illhy. Ha. Unaxariisto. Abwaan. Haadraawi. Heestaan. Ka. Helaba. Abwaankaa. Ka. Soo. Maxaaty.

mohamedJama-rxww
Автор

Hadraawi sugaantu way ku dhex noolayd👏

zuhaybrajo
Автор

Runtii ismaan lahayn heees xasan adan ayaanad dhagaysan lkn been ayaan isgu sheekeeyay waa badwayn heesi hiisu

kaysesahalofficial
Автор

Alalh cimriga hau dheereyo khatumadana ha u hagaajiyo Xaqiiqo hassan adan wa xiddiga kaliya aan calankiisu dhicin

ddarwizh
Автор

تسلم ياعملاق صوتك من ذهب يافناني العزيزحسن اذم سمتر

MrLooyaan
Автор

Maskax fayow iyo caqli fayow abwaan xadraawi alle yaaraxma

mukhtaraxmed
Автор

This is real history inta hebel la waayey aan haystaa warkoodda

hanadolad