Heestii Igu Dheerida Lyrics Xasan Adan Kabankii Aun Jiim

preview_player
Показать описание

Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

Igu dheeridaa
Ma dhool gaaxdey baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma midaad u dhalataa

❤ OLD IS GOLD

Waa subaxnimo sabti ah Taariikh du tahay 27/07/2024 waxaan joogaa south Africa
Waxaan dhageysanayaa heeskaan macaan Anigoo joogo goobteyda shaqada . Khof weliba iyo Dooqiisa Anigu tan ayaa i shaafisey
Khof weliba oo soo booqdey comment gaan waxaan kuu rajeynaa farxad iyo Reeynreen ❤❤❤❤

salahadawe
Автор

igu dheeridaaa
ma dhul gaaxday
baad tahay
manasoo dhawaatidee
ma mid aad u dhalataa♥️♥️♥️ cajaaib waa Malin jimco ah 25/3/2022 ah goobtu waa jowhar waxaan dhageysanayaa xasan aadan io heeskan anigoo karinaaayo qadada reerka ❤❤♥️♥️🙌

haawodagan
Автор

Gacantii jiim sheekh muumin allow kuu naxariiso boqorkii cuudka

maftuuxmediapro
Автор

Sidoo kale alle haw naxariisto jiim sheekh muumin isna waa inaga hooseeeyaa.

HARGEISATVOFFCIAL
Автор

Jiim shiekh muumin Allaha u naxariisto waxuu ahaa boqorka kabanka sooomaaliya

sahaldayah
Автор

Cajiib waa hees aanan ka daalin marnaba dhageysigeega taniyo waagii ugu horeysay ee aan dhugtey.
Habeenku waa Jimce
Taarikhdu waa 18.08.2023
Saacadu waa 22.27pm habenimo
Goobto waa Gebiley near Bookh Hotel halkaas oo aan aniga iyo Asxaab badan Jilibku noogu laabanyahey Caawa.

khadarahmedadem
Автор

Hees waa dhaaftay Cajiib
Igu dheeridaaa ma dhool gaaxday baa tahay
Mana soo dhawaatide
Ma mid aad udhalatey
9-8-2024
Mogadishu Somalia
Deyniile Gubta Ciise cabdi
Waan salaaamay Teamka cuudka jecel ❤❤

Engowdiire
Автор

Rer buulabarde waa meesha soo saarta kabanaysta yaasha iyo laxamaysta yaasha ugu caansan fanka somalida

mahaddirirgeesood
Автор

Abalkaan dhitaystiyo waanadaan dhuraayaba, hadal dhaafi weydaye bal aan dhawro waayaha👍💯✅❤️🇸🇴

fadumoali
Автор

Kawarama kabanka jiim siduu ugushaqlanyahay fariihisa dahabkaa Naxaristii jano allha ku siiyo jiimow kabankagu waa ii culay mar walba waxaana dhagaysanaya 2024 in kenya salaama bahda fanka 🫡

shaaniqadarshaani
Автор

Xasan aadan waa fanaan cajiiba Ala cimriga hakuu barakeeyo

maxamedbashiir
Автор

Alle hawraxariistee waa erayadii kornayl jafaal

Baremaxamed
Автор

Xasan adan samatar wiilka habargidir codkiisa ayaan dhegeysanayaa fanaan layskama sheegto rag baa hibo u leh xabaasadu waa wax loo dhashaaa

hassanmohamed-vx
Автор

Alle haw Naxariisto Adeerkay Yuusuf Jafaal oo Sameeyey Ereyada Heestan Waxaan Joogaa Beertiisii Eebe godka haw nuuro waxaan booqday maanta oo jimce ah beertiisii sidaas ayaan ku xasuustay heesta ilahow kuu naxariiso adeer waxaad ka tagtay dhaxal aan duugoobayn.

HARGEISATVOFFCIAL
Автор

Heestan waxan dhagaysanya aano qayilaya tarikhduna tahay 2023 bishi afrad 21keedi malin jimca oo waliba cida marka hadad iga dambayso isoo duucee wll aado mahadasan inu ilahay balwada iga madobeyo thanks pro and sester

SuhaybCabdi-wtqb
Автор

Igu dheeridaa
Ma dhool gaaxdey baa tahay
Mana soo dhawaatide
Ma mid aad u dhalataa 😢
Dadka qaar baa u haysta inay tahay
Ma dhul gaaxday baa tahay ❌️
Ma dhool gaaxdey ba tahay✔️

jamaal_mouze
Автор

Heesta safarada baabuurta xamuulka ah Baladweyn to hargeisa ❤😊🥰

suldaanofficially
Автор

Heeskan waxan dib uso badhe on dhagesanaya 8 nov 2023 malin arbaco ah sacaduna wa 1:20 duhurnimo meesha an jogan wa mogdisho☺️ igu dheerida ma dhool gaaxday ba tahay mana so dhawaatide ma mid aad u dhalataya yasalam🎻😍hda iga dambese so boqotid iso xsuusi faladn👍🏾

abdizalaan
Автор

#Heestu waa qiso dhab ah oo aan dhammaan balse joogto ah waxayna ka waramaysaa Askariga Ilaalada ah ama (BODY GUARD) u ah Madaxweynaha, Wasiirka, Ama Saraakiisha Ciidamada IWM, Sida ay ugu dhiban yihiin shaqada naf hurnimada ah ee ay dadka iyo dalka u hayaan iyo sida aan loo dhaadanayn siiba qofka uu ilaaliyaa aanu xaqiisa iyo xuquuqdiisa ama waxa uu ka mudan yahay u garan una dhayal sado Sida Erayada ama baydadka dambe ee heestu tibaaxayaan waa Dhibta uu askarigu u maro ilaalinta Saraakiisha iyo madaxda ka saraysa heestii kale- ee Askarta ciidamada qaranka soomaaliyeed loo qaadayna waatay ahayd.

Nin Laggu seexdoow
Ha seexan xilbaad
Siddaa ha seexan
Ha seexan ha seexan
Soo jeedoo si weyna
U Feejignoow.

Erayada heesta waxa iska lahaa Abwaan YUUSUF Mohamed Ahmed Yuusuf Jafaal oo la sheego inuu qisada uga waramay nimay saaxiibo ahaayeen Yuusuf oo Askari ama (BODY GUARD) u ahaa Ahmed Saleebaan Dafle Oo ka tirsanaa ahaana hogaankii Ciidankii Asluubta dawladii kacaanka Soomaaliyeed Qisada heestu waa qiso siyaabo badan loo dhigo Laakiin Mucda iyo muhiimadu waa in heestani ay Jacaylk ka madax banaantahay Dareenka heestuna uu dareen Garnaqsi Askarino uun Yahay.

Erayada heestana waxa ka mid ah.
#Page1
Aduun baan wax dhaadine
Amba dhibaha jiilaal
Xiliyadan isdhalan rogay
Dhibtaan kaa ilaashee
Dhaxantiyo Abaarahan
Kaa dhawray haddimoo
Dhibta subag Lo'aad iyo
Ku cabsiiyey dhaydoo
Yey dhicin intaa Laa
Dhugan waayey taydoo
Dheel dheeli awgaa
Igu dhaaftay maalmoo
Igu dheeridaa ma
Dhool gaaxday baad tahy?
Mana soo dhawaatide!
Ma middaad u dhalataa?
Ma middaad u dhalataayee
Ma middaad u dhalataa?.
#Page2
Siddooa laydha jaawiray
Ku dul dherer sanahayoo
Adduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aaddee
Dhilowyahan sidiisii
Intaan kugu dhalloolaan
Dhexda kuugu duubnaa
Haddaan dhagaxa soo guro
Ama aan dhulkaba qoddo
Dhirtaa ii magooshaan
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa ma
Dhool gaaxday baad Tahay
Mana soo dhawaatide
Ma middaad u dhalataa?
Ma middaad u dhalataa eey
Ma middaad u dhalataa?.
#Page3
Dhabbaduu dul seexdaan
Dhibkanay
Dhoobi kaa jiraan ahay
Dhaxantiyo dugaagoo
Annoo dhool arrooryaad
Dharabtiisii igu taal
Dhud markaad u toostaad
Dheeraad igu Fashaayoo
Dhaxalkayga uma hello
Siddaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayduna
Dhagartaada weeyaan
#Chorus:
Igu dheeridaa ma dhool
Gaaxday baad tahay
Manna soo dhawaatide
Ma middaad u dhalataa?.
Ma middaad u dhalataa eey
Ma mid aad u dhalataa?.
Maidaad u dhalataa?.

Erayada Yuusuf Jafaal
Laxanka hassan aadan
Codka Hassan Aadan

SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
Автор

Bal yaabkaa arka! 🔥🔥🔥

Heesta dhan walba way is haysataa ❤

Ehel_Caashaq