AMIIN YARE MIYAAN KUU CUNTAMI WAAYEY NEW OFFICIAL VIDEO 2023

preview_player
Показать описание
AMIIN YARE MIYAAN KUU CUNTAMI WAAYEY
EREYADA ABDIQADIR QALINLE
LAXANKA KHALID KAMIL
MUSIC MAFTUUX CADCEED
SCRIPT/DIRECTOR: AHMED SOMALI
CAMERA 1 MONUIM
CAMERA 2 AXMED AK
EDITING AIDAROUS
Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

Ereyada heesta oo qoraal ah:

#1
Anigoon colaad muujin,
Kuna ceebsan weli maalin,
Kuna ciida guushaada,
Naftan kuu cidloonaysa,
Bal maxaad u cugan wayday?

Niyad adiga kuu ciillan,
Laab cabasho kuu keentay,
Qalbi caashaqii taabtay
Miyaad caawin kari wayday?

Cindigiyo dareenkaaga
Maxaan ugu cuslaan waayay?
Maxaad ii cisayn wayday?
Caadi iigu noqon wayday?
Miyaan kuu cuntami waayay?


Page 2

Anigoo ku taray ciidan,
Cadawgiina kaa tiirshay
Cid kastana anoo taada
Si cad uga horraysiiya
Miyaad igu carruurowday?


Kulankiyo cawayskeennu,
Farxad curatay weeyaane
Marka aad cabbaar joogto,
Maxaa kaa cadhaysiiya?

Cindigiyo dareenkaaga
Maxaan ugu cuslaan waayay?
Maxaad ii cisayn wayday?
Caadi iigu noqon wayday?
Miyaan kuu cuntami waayay?


©️ Cabdiqaadir Qalinle.

Qalinle
Автор

Heesuhu waxay ka hadLayaan dhaawaca Qalbiga😭, Quraankuna wuxuu ka hadLayaa dawada Qalbiga ❤

inaayeeyocibaado
Автор

Qofkastoo qoraalkayga arkaya walaal farxad aad la maqsuudo allaah ha ku siiyo qof walba qofka uu jecel yahay allah calaf ha ugu daro❤❤❤

najoumaziz
Автор

Qof kasta Oo qoraalkayga arkay waxan u rajynayaa caafimaad iyo cibaado suuban ❤️

kaafiyaabdirizak
Автор

Waan hubaa in aad hestaan ila dhagesan doon tid 2024❤ hada iga dambeysid like isaar

sharmaakexasan
Автор

Waa run wax kastoo macanba waxaa ka macaan badan qur aanka kariimka ah

AyanAdnan-sq
Автор

Heesaha waxa kamacaan quraanka Allah ❤️❤️😭😭
Hadaa igu raacsan thy 👍Like saar

cabdiraxmaanmaxamed
Автор

Qofki qoralkan arka ilahay Ramadanta cafimad ha ku gaadhziyo🥺🤲🏼

mushtqmohamed
Автор

Waxkastoo macaan waxa kamacaan quraanka Alle taas hala ogaado abtiyaal❤️

mohamed.dawaco
Автор

ax 😢heestaan xasuus dheer igalisey boog aan dadaayey bey dibada keentay😢😢7/6/20/17 maalin khamiisa xanunka daremay allahun baa og 😢😢waan yara markas da, deydu waxay ahayd 15sano waxan bartey wiil aad iyo aad ufurfuran kaftan badan dhoola cadeen badan waan ka helay waxa bilabey meel walba uu joogo marka an arkaba ina iska dhoola cadeeyo umaan sheegan jaceylkeyga waan xishoonayy markas waan ka qariyey bil kadib isaka iisheektay jcyl waxan iri aniguba waan ku jeclaa maxa iigu sheegi weyday buu iyidhi waxan iri waan xishoonaye waxan wada soconaba 2sano kadib waxa aan aad ujecleystay inuu ixalashado aadna waa usugi jirey rajada iney mar uun iirumoobeyso 😢😢😢waxa uxaga baxay tuulo meeshu joogana waan ka tagey bil kadib wuu imadey aadban ugu farxay imashihiisa tuulada malaheyn chargerwaxa la aadi jirey ateenada wuxu maalin aadey atenadi wuxu ku maqnaa 2maalin wuxu iyiri waan kuu xiisey miyaad ii imaneyn anigu familyga isku dhacsanahy ee adi ii imow 😢waan yeelay waan utagey kaligey ma aan aadin sbbto ah masafo aya ujirtay meeshu waxa kaxeystay ina adeerkay iga yara markan utagey xooga wada sheekeysanay qolka ku jirnay buu xidhay maxa dhacay marka iri wuxu iyiri manta ada aad kugu bahanahy waan isgursaneyna bishan dhexdeeda ee maanta un aan isfahano waxan iri waxay waxad ku hadleyso anigu marabo sharafteyda iyo tan waalidkey inaa meel uga dhaco marka waxas dambe hay dhihin wuxu igu yiri ama maanta wixi ka danbeyo salaanta gaalka iyo muslimka ka dhaxeyso iskama qaadeyno ama maanta uun iqanci😢😢😢anigu wan uqadan wayey waxan iri xbb maxa kaa qaldan wuxu bilabey inuu jirkeyga gacanta laso aado waxan iri gacntada iha deyso 😢😢wuxu yiri magaceyga yaan kaa maqlin aadba u ooyey waan baryey maxa saa iigu gashe mustaqbalki iyo balanteni aawey wuxu dhahay ilinka iiga dag hadii kle waa ku fara xumeyn 😢😢😢meesha atenadu ka dhisnay waxey ahey buur dheer korkeed waxan damcay ian iska soo tuuro balse allahayan unoqdey anoo socon kareyn inanki ila socdey oohinteyda laybey baan xaafadi tagey 2maalin anoo shoogsan waxna cunin ayuu malinki 3aad guriga iigu imade wuxu idhahay xpp waa kaa qaldame raali noqo aad baan ugu farxay sbbto ah kaman diidi karin 😢😢😢marka 3bil wada soconey aya habeen wada kulanay ayaa arky madaxisa oo ku qoran yhy xarafka, R, marka weydiye wuxu igu dhahay waa gabadhan guursan rabo roodo ladhaha waxan idhi maxan ku ahay anigu wuxu yiri waxan kaa dhigana sxbdey😢😢😢😢😢😢😢😢anoo ooyaya iskagaso luudey meeshii mudo7bari waxan aha qof maqane jooge ah aan aduun war uheyn hoyo wey ila darenty xanunka inkasta aan cidna lawadagin xanunkeyga hadana 😢😢😢😢hooyo inta ooyaye wey ila ooyi jirte habenki wey ila soo jeedi jirte waxay igeysay dhaqtar cilaaj mell walba balse waxba leyguma shegin😢😢😢😢ana maan sheegin 😭😭😭😭😭axyaa jcyl waxan ogadey adunkan qofka kliye uqalma jcylka inu yhy hooyo mcn❤❤❤❤❤w😢aa ku faana ilahow heyga hor marin❤❤ malinkasa jcyl iigu dameysay ila ha da qalpigeyga wuu gubanay jcylka dacada ma dhamado😢😢😢wll hada aqrisay qisadan iiso duce in ilahey qalpiga ii cafiyey wiilka nolol farxadle urajeyn insha allah😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢😢

Amranhonesty
Автор

Dumaku waa masaakiin
Weena dhaleen waana udhax naa lkn abaal ha ugu galin inee ku fahanto ama kuu abaal gudo ee waxkasta aad uqabato sadaqo ahaan uniyeeso wlh 😊

Xaaji-dalmar.
Автор

Wan ogay inad halakan Iman dontid heestana dhagaysan doontid 22/1/22 22/1/23💔 lkn wan Ku waydinaya mxd caadi iigu noqon wayday?😢

strongwomen.
Автор

Hess QiirO Leh 🥺💔Insha allah Sanad Ka dib Hadii Alle S.w NafTa ii Daayo Wn So Booqan DoNaa CommentgaN 🤲❤

Cabdale_Yusuf
Автор

(2x)
anigoon colaad muujin
kuna ceebsan maalin
kuna ciida gooshada
naftan ku cidloonaysa
bal maxaad u cuggan wayday

(2x)
niyaad adiga ku ciilan
laab cabasho ku keentay
qalbi caashaqi dhaafay
miyaad cawin kari wayday

(2x)
cindigiyo dareenkaga
maxaan ugu cuslan wayay
maxad ii cisiyeen wayday
caadi igu noqon wayday
(miyaan) miyaan kuu cuntami waayay

(2x)
aniga'oo ku taray ciidan
cadawgiina ka diirshay
cid kastena anoo tada
si cad uga horeeysiya
miyaad igu caruurawday

(2x)
kulankiyo cawayskeeno
farxad curatay weyan
markaad cabaar joogto
maxa kaa cadhaysiiya

(2x)
cindigiyo dareenkaga
maxaan ugu cuslan wayay
maxad ii cisiyeen wayday
caadi igu noqon wayday
miyaan kuu cuntami waayay

zackyassin
Автор

Waxkasotoo mcn waxaa kamacaan quraanka Really ❤❤❤

AbdifatahmoahamuodAbass
Автор

20/06/2024💍👑✅
beri waa arooskeyga isoo hambaliyeya

mahadalle
Автор

Ilaahay ramadaanka nabad qab haynagu gaarsiiyo🥰

zirmuneirofficiall
Автор

Heestan waxay ka hadlaysa qisadayda Wuxuu ahaa jaceyilkaygii iigu horeeyaay ❤17/3/2017 xidhiidh qurux badan ayaa Naga dhaxeeyay saaidna waa ujecela xata naftayda isaga ka jeclaaa❤wakhti qurux badana waa soo wada qadanay
Xalada adagna waa ka soo wada gudubnay 2019 bilihii ugu danbeyay waxa bilaab may muran iyo dagaalo soo noq noqanaya dagalkan wuxu ahaa kii aanu ku Kala hadhnay isaga waxay azhp ahayeen will, wiilkas waan isku dhawayiin wllkay ii dhaw Ayaan ula dhaqmi jiray marku ii manayo jaceyiljaygu may kala hadhi jirin wiilkaa way isa soo raci jireen Ana waa la kaftami jiray wllky oo kale sida ula kaftamo kadib waxa dhacey inuu wiilkan sida wllkay usoo dhaweynayay isku kaayo diro oo Telephone iga soo Waco kadi waxa uu isheegay inuu rabo inuu i arko wax iisheego nolashayda ku saabsan anoo yaaban ayaa ubaxay kadi waxa uu ishegay wiilkan jeclaya inuu ikhyaameyay oo uu xaas leyay waa yaabay waana u qadan wayay arinkaa
Kadib anoo Yaban ayaa guriga ku soo laabtay isagiiba wacay Arin kii ayaa way diyay waxa uu igu jawaabay waxas waxba kama jiraan ee yaa wax kugu yidhi Ana waxba Uma sheegin lkn waa ka yar niyad jabay xidhiidh kii wa ka yar gaabsadey anoo jecel ayaa rabay inaa iska dhaafo isaga wuxuu isheegay inay run yihiin waxa ogaadey markaan mudo 3 bila kala aamusnayiin oo uu wiilkii ay zhp ahayeen ee rankii iishegay uu isoo wacay kadi iga Dal baday xidhiidh jeceyil
Wuxuna ii shegay inuu marka horaba uu isagu ijeclaa rabayna Ina wiilka kala hadhno anuu waa oyay waana cala calay🥲🥲🥲
Heer waxa gaadhay Ina habeen kasta ooyo xata waxa isku dayay inaan tahriibo si aan isaga isku ilow siiyo waayo waa khaldamey anuu hada qoraalkan xiligan qoryo Wali qalbigayga kama bixin xata qof kale ma jeclan Karo sidan isga u jelaaday Uma malaynayo inuu qof kale helaaayo wiil kaston is barano ma jeclaan Karo xata haduu isgu I jeclaado waxan u sheega inaan wiil jecelaa hadan aan qof kale jeclaan karin maxa igula talin lahayiid aduuu🥹🥹🥹🥹

qalpiqurux
Автор

Wad Mahadsantahiin Dhamaantiinaba My Team ❤💟

Aaminyare
Автор

Adeer fanan waa amiin magca aduunka ugu mudan ma igu racsantahay

AmiinramosRamos-wrbo