SIDAN AYAAD CUNUGGAAGA UGALA HADLI KARTAA FAYRUSKA CORONA

preview_player
Показать описание
Dhakhaatiirteyada cilminafsiyeedka Xarunta Badbaadada Caruurta ee taageerada iyo daryeelku waxay bixiyaan aragtida ah habka uu waalid ama qof kale oo wayn oo ilmaha ka ag dhow uu kala hadli karo fayruska Corona iyo dhacdooyinka bulshada iminka ka taagan.

1. Kala hadal carruurta walwalkooda
Caruurta waxaa saameeya dhammaan hadalka iyo warbixinta fayraska Corona ee hadda, waxaase ka saameeyn badnaan kara sida dadka waaweyn ee ka ag dhow u maareeyaan xaaladda. Xannaanooyinka iyo iskuullada ayaa laga yaabaa inay ku dhawaaqaan habab cusub oo looga hortagayo faafidda cudurka taasna oo u horseedi karta inay carruurtu si dhab ah u rumeystaan ​​iney dhaceen ama dhici doonaan wax khatar ah. Sidoo kale carruurtu way kala duwan yihiin. Qaarkood haba yaraatee wax saameyn ah kuma yeesho, halka qaarka kale ay dhici karto inay wax walba oo Corona ku saabsan, hababka cusub iyo doodaha dadka waaweyn ka dhexeeya ay u fahmaan calaamadaha khatarta.

2. Waqti u bixi inaad si fiican wax u dhagaysato
Heegan u ahow in lagu heli karo marka aad ilmaha kala hadlayso fayruska Corona. Sii wakhti aad ku dhageeysan karto waxa ilmuhu dooneyaan inuu kuu sheeego. Xulo wakhti aad horay caadiyan u wada hadli jirteen, tusaale ahaan miiska qadada ama xilliga hurddada iyo mar aad deggenaan dareemeeyso.

3. Ka tallaabo qaad su'aalaha caruurta
Markaad carruurta kala hadlaysid fayruska Corona, waxaa muhiim ah inaad ka tallaabo qaado su'aalaha ilmaha. Ha siin macluumaad aaney qaadi karin iyo faahfaahin aan loo baahnayn, balse ka jawaab waxa ay dhab ahaan ka fekerayaan. Isla mar ahaantaana, waxaa lagama maarmaan ah carruurtu inay ogaadaan in dadka waaweyni ay ka shaqeynayaan inay arrimaha hagaajiyaan oo ay carruurtu awood u yeeshaan inay kalsooni ku yeeshaan bulshada dadka waaweyn. Kalsoonidaas waxaa lagu dhisaa adoo daacad ah, laakiin isla waqtigaasna aan cabsi gelin ilmaha adigoo siinaya macluumaad ka badan midka uu u qalmo ama codsanayo.
Caruurta da’da dugsiga barbaarinta badanaa waxay caawinaad uga baahan yihiin dadka waaweyn si ay fikradahooda u hadal uga dhigaan. Waa muhiim in dadka waaweyni ay isku dayaan inay la qabsadaan haddii carruurtu si kasta uga falceliyaan walaac, tusaale ahaan, wax ka beddelka hab-dhaqanka. Caruurta yar yari waxay wax badan ka fal celiyaan waxa ay dadka waaweyni sameeyaan iyo waxa dhaca kolka loo barbar dhigo waxa la sheegayo, sidoo kale carruurta yaryari laga yaabee in aanay sila mid ah wararka la baahiyo.
Markaad la hadlaysid carruurta da'da iskuulka, waxaad ka tallaabo qaadi kartaa inay iyagu horeba u haysteen macluumaad fara badan, maadaama carruurta da'da dugsigu ay wax kala socdaan akhbaaraha iyo aaladaha bulshadu ku kulanto. Markaa waa muhiim in aad ka amba qaado waxa ilmuhu ka og yihiin arrinta. Carruur badan ee da’dan ku jirta waxey xiiseeyaan xaqiiqda la taaban karo iyo sida wax u dhacaan.
Guud ahaan, carruurtu badanaa waxay la yimaadaan su'aal oo kadib ay di buga fekeraan, dabadeedna ay la yimaadaan fikirad cusub. Maskaxda ku hay in carruurtu cabsida iyo axdintaba loo yaryareeyo.

4. Ku ekow xaqiiqda oo keliya
Isku day inaad si dhab ah uga jawabtid su’aalaha ubadka, jawabahagana haa noqden kuwa munasib u ah fahamka ubadka. Raac talooyinka Haydda Caafimaadka. Waxaa kaloo wanaagsan in ubadka in ilmaha la siiyo warbixin la xiriirta hab howleedka, una sharraxdo sababta aad iminka sidaa u sameeyneysaan. Tusalaha ahaan uga sheekee ubadka iney jiran dad waaweyn oo ku shaqeeya iney talooyin ka bixiyaan wixii aannu sameeyn lahayn sidii habka ugu caqliga badan. Badankood dadka u xanunsada wuxuu u qabtaa si sahlan, waxaase jira dad aad ugu xanuunsada amaba u dhinta. Waa dadka lagu tilmamo inay u nugul yihiin. Inta badan waa waayeelka iyo dadka xanuunnada kale horey u qabay. Hababkaan hoos ku qoran wey wanaagsan yihiin in dhallaanka la gaarsiiyo, laguna dhaqmo:
- Ha booqan dadka da'da ah iyo kuwa buka
- Gacmaha dhaq in badan ama isticmaal alkolada gacanta.
- Ku qufacdo ama ku hindhis xagasha gacanta
- Hadaad jiran tahay - guriga joog oo naso ilaa intaad ka caafimaadaysid.

5. Deggenaanshaha ha lumin rajana qaybi
Qof weyn ahaan waxaa muhim aah inaad deggenasho ku suugnatiid. Marka uu welwel ku bilowdo dadka waaweyn, waxay arrintaasi u saameeynaysaa dhallaanka in ka badan inta uu xaaladda ka og yahay. Waa muhim in qofka wayni inuu sii ahaado qof aan wax walba iska qaadaan oo wax iska waydiiya isla markaana aamina warbixinta ay hayadda caafimaadka bulshadu ka bixiso waaqiciga taagan iyo habkii loo maareeyn lahaa.
Рекомендации по теме