18 jir Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka | VOA Somali

preview_player
Показать описание
Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, waxaa Axaddii shalay lagu aasay wiil 18 jir Soomaali ah oo rag hubeysani ay Jimcihi toogasho ku dileen.

Warar ay VOA-da heshay ayaa sheegaya, in kooxo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdiraxman, lagu arkay qabuuraha taas oo qalqal gelisay dadkii joogay aaska.

Haddaba, wariyaha VOA-da, Cabdulqadir Samakab, ayaa arrintan ka wareystay, Cabdishakuur Salaad Maxamed oo kamid ah hogaamiyeyaasha Bulshada Soomaalida Columbus, madaxna ka ah Xarunta Talowadaag.

Mar walba nagu xirnow

VOA Somali waa isha loogu kalsooni badan yahay ee wararka Soomaaliya. Waxaad naga heli kartaa wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Soomaalida iyo caalamka. Barnaamijyadeena waxaa ku jira warar, wareysiyo iyo warbixino ka hadlaya mowduucyo kala duwan sida siyaasadda, arrimaha bulshada, ganacsiga iyo madadaallada.

Waxaa ka mid ah Qubanaha VOA oo ah barnaamij teleefishin oo baxa shan maalin toddobaadkii, Axad illaa Khamiis. Idaacadda waxaa ka baxa barnaamijyo ay ka mid yihiin, Galka Baarista, Bandhigga VOA, Ileyska VOA, Faaqidaadda Toddobaadka, Arrimaha Mareykanka, Arrimaha Islaamka Dhakhtarka Weydii, Caweyska Washington, Wicitaanka Dhageystaha, Faaqidaadda Ciyaaraha, Madasha Haweenka iyo Barnaamijka Dhallinyarada.
Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

Somali iyo qabiil iyo lacag intaa ka baara, westernka waxaa soo galay dadkii soomaliya dhiigya cabka ahaa

FutoXar
Автор

JOJI FAWASH IYO MAGAC BEEN AH SOMALI WAA MID KA SIDAN U HADLAYAA WAA CADOWGA UMADA SOMALIYED SHEYDANIMADAAS KASOO NOQO WALL❤

اممحمد-جطظ
Автор

WAA SHEEKADII SHIIQII HORE LAGU DILAY SOMALI KAMA MARNA INKAAR BA KU DHACDAY DADKEENII AYAGOO GAALADA IYO DALKA AY MARKAA JOOGAAN IS XIJIYA WALALKOODNA AY DILKIISA GACAN KU SIIYAAN 😮

اممحمد-جطظ
Автор

Allah waxaan ka baryayaa wiilkey gii kuwee dhilay iney ka dabbeyni yaa rabbi adaa awood iskaleh 😢😢😢😢

Farhiya-wguw
Автор

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi rajucuun

fadumamaxamed
Автор

Hala baaro axmed yuusuf wiilkan la yiraahdo qisadan wax buu ku leeyahay waayo faqash iyo waxuu yahay maxaa ogeysiiyey somaligu wa somali malaha kala qeybintu wax an ka ahayn in la halagsamo adunkana cidlo jogto akhirana jahanama ku gasho😮

اممحمد-جطظ
Автор

Please, don't blame the police. Xaqiiqda ka hadal. Farta ku fiiq meesha DHIBKA u ka socdo! Gadaal ka gaar, goob dummis?

mussaali
Автор

Waa dhaxalkii faqashtu uga tageen caruurtooda.

ahmedyusuf
join shbcf.ru