MURSAL MUUSE 2021 | XAQIIQDAA LAGU DAGAA | HEES CUSUB

preview_player
Показать описание
Thank you for watching !!!
Рекомендации по теме
Комментарии
Автор

Damacu qofka wuu hodaa,
Ismuujintu way dishaa,
Degdegga guul laga ma helo,
Ku darna ka darbay dhashaa.

Dulqaadku naftuu sadaa
Damiirku waxbuu hagaa,
Dibnuhu ereygay gabaan,
Dareen baa lagu fahmaa.

Run baa lagu dadab galaa,
Xaqiiq baa lagu degaa,
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa.

Page 2

Danbaa lagu meel maraa
Xumaha waa laga durkaa
Waqtiga dabarkiisa iyo,
Noloshu waa bare dahsoon.

Waxii aan dookhu rabin,
Indhuhu kuma doogsadaan.
Wax uurka ku duugan iyo,
Qalbiga lama daawan karo.

Run baa lagu dadab galaa,
Xaqiiq baa lagu degaa,
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa.

Ereyadu waa : Cabdiqaadir Qalinle
Laxanka iyo codku waa Mursal Muuse
Muusigguna waa Ayub Harun.


Editon : Mattan pro

somalimusiclyricshd
Автор

Aan ku salino nabigeenii muxamed ahaa N.N.K.H ❤❤💯

abdiasiiskaliifahmed
Автор

From ottawa fananka lagendka ah mursal oo kasodagaya america soon will Came to america

abdulrahmanelmi
Автор

Runbaa lagu dadab galaa
Xaqiiqdaa lagu dagaa
Jacaylkana daacadnimo
Ayaa lagu daadahshaa

mohamedtracking
Автор

dulqaadku naftu sadaa damiirku waxbu hagaa dibnuhu ereygay gabaaan dareenba lagu fahma Mursal wllhi wa fanaanki sabab u aha inaan hesaha somalida dhagaysdo Keep going libaax

abdibaasidahmed
Автор

Waxad ilowday abwaanka ereyada leh iyo laxanka midna maad qorin. Hubinta video waa muhiim.

CASKA
Автор

Axsan hees wan qaata way isamaysa heesta

jookarkainaxasan
Автор

legend Mursal Mussa waa lagugu daali go forward

hamimouktar
Автор

Lagend Mursal Muse,
Mahadgaara:mattan Pro😍

Culimiyo Caamaba Aan Isla Socono, Halay Fahmo✌️😍

BOSSLYRTUBE
Автор

Mursal ooku sowajahan dhawan maraykanka insahaalla.sidan kuhayno.warka

abdulrahmanelmi
Автор

Was sax waa sax waan kugu racsan san nahay ina adeerkey mursal muse

aishamohamed
Автор

waa hees shidan oo xaqiiqada kahadlaysa

kasimabdulahi
Автор

Jacaylkeyga oo cawa iga fogbaan heestan mèel bay iga tabatay ilahy isoo nabad celi

behanabdalle
Автор

Waa erayo lagu
Xasuusanayo suugaantii hore lkn lxnka ayaa liita

cabdirisaaqcabdirisaaq
Автор

Mursalka baxsadka ah ee la qaban wayay here usoco bro

sakariyemaxamuud
Автор

Wa malin jimco ah nabiga igala sali scw scw scw

cawilxaraaro
Автор

Nin asagii wax dhamay wax noshegayo aduunyo igoooon

nuuriyoali
Автор

Iam from ottawa I like that song mursal. Nice gay

abdulrahmanelmi
Автор

Mashallah tabarakallah mursal muse ina areer codkaga best u nokhdey mashallah viva viva viva and heests adiga iyo xamdi bilan mashallah tc

aishamohamed
Автор

That city looks like mississauga ontaririo canada

ismailasha